Ogaysiiskaan waxaa loo sameeyey guud ahaan dadka soomaaliyeed gaar ahaan cid walba oo ku dhaqan Somaliland, waxay shirkada Shantou City Jinlong Industry Co. Ltd. Ciwaankeduna yahay: Bldg-4, No.1 Street, Xiachao old Industrial Estate, Taoxi Village, Xiashan Town, Chaonan District, Shantou City, Guangdong, China, 515144, cadeynaysaa inay tahay mulkiilaha iyo ikhtiraacaha calaamad-ganacsiyeedka hoos ku xusan;

“Astaanta ganacsigu waxay ka kooban tahay ereyada qaab farshaxanaysan loo qoray ee “ICE SUMMER”, kuwaas oo ku dhex jira qaab oval madow ah oo leh xariiq cad oo ku wareegsan. Ereyga “ICE” waxaa lagu qoray xarfo waaweyn oo casri ah kana muuqda far culus, wuxuuna ku yaal korka ereyga “SUMMER”, isaga oo si yar ugu dul dhacaya. Ereyga “SUMMER” waxaa lagu qoray far gaar ah oo qaloocan isla markaana leh muuqaal farshaxanimo, iyadoo la isku daray qaab xarfo waaweyn iyo kuwo yaryar si loo abuuro muuqaal socod leh oo firfircoon. Xarafka ugu horreeya ee “S” waxa uu leeyahay naqshad u eg olol dab ah oo ka muuqata dhinaca sare ee bidix, taas oo astaan u ah isbarbardhigga kulaylka iyo barafka. Midabada guud ee astaantu waa madow iyo caddaan.”
XUQUUQDA LAGU SHEEGTAY CALAAMAD-GANASIYEEDKA KORE WAXAY KU SAABSAN TAHAY FASALADA KALA AH 3aad EE KALA ABLA ABLEYNTA FASALADA EE WIPO
Fasalka 3aad: Diyaarinta waxyaabaha udgooneeya hawada; waxyaabaha ka hortaga dhididka ee loo isticmaalo nadaafadda jirka; maaskarada quruxda iyo daryeelka maqaarka; saabuunta qabayska ee musqusha ee qaabka keega ah usamaysan; saliidaha dabiiciga ah ee udgoonka leh; qalabka isku dhafka qurxinta ee ay ku jiraan alaabaha cosmetics-ka; alaabaha qurxinta iyo isqurxinta; cosmetics loogu talagalay carruurta; diyaarinta phytocosmetics-ka ee laga sameeyo dhirta; saabuun; daawada cadayga; diyaargarowga ka hortaga qorraxda; alaabaha daryeelka maqaarka; kareemada caddeeya maqaarka; iyo conditioners-ka timaha.
Mulkiilaha calaamad-ganaciyaadyadu wuxuu wakhti badan, dadaal, tacab, iyo xoolo galiyey hal abuurista naqshadaha ay u sameysan tahay calaamadiisu, sidoo kale kor u qaadida iyo aqoonsi u helidooda. Calaamad-ganacsiyeedku waa mid guud ahaan caalamka laga aqoonsadey taas oo ku suntan niyad samida iyo sumcad balaaran ee shirkada (mulkiilaha) uu ku dhex lee caalamka.
Ogaysiiskaani waxaa loo sameynaya si loo ogaysiiyo guud ahaan bulshada, ganacsatada, kuwooda jumlada iyo kuwooda tafaariiqda, iyo cid walba oo ku lug leh arimaha ganacsiga noocuu donaba, in calaamad-ganacsiyeedka kor ku xusan ay gaar u tahay iskala lee dahay shirkada Shantou City Jinlong Industry Co. Ltd, cid walba oo isku deyda amar la’aan ama fasax la’aan isticmaalkeeda, dib u qaabeynteeda, koobigareynteeda, ama si xun u matalideeda iyagoo iska dhigaya iney lee yihiin in dhamaan ay mamnuuc tahay.
OGAYSIISKAAN WAXAA LA SIIYEY dhamaan cid walba ay khuseyso, kuwaas oo ay ku jiraan, dulaalada, ganacsatada, iyo dhamaan shakhsiyaadka, in cidii si sharci daro ah ama xad-gudub ah u isticmaasha calaamad-ganacsiyeedkaas, ay ku xad-gudubtay xaquuqdii gaarka ahayd iyo halabuurkii shirkada Shantou City Jinlong Industry Co. Ltd. Taas ay ay shirkadu la tiigsan doonto sharciga iyo cadaalada. Xad-gudubka noocaas ah waxaa ka dhalanaya masuuliyad maadi ah iyo mid ciqaab ah taas oo dhigayaan shuruucda dalka soomaliyeed guud ahaan.
Shakhsi, shirkad, ama cid walba oo iska yeelyeesha, koobi gareysa, six un u isticmaasha, ama si kale ugu xadgudubta calaamad-ganacsiyeedkaas, iyagoo wax ogolaansho ah ka haysan mulkiilaha xaqa ah waxay wajahayaan tilaabo sharciga waafaqsan sida ay qabaan shuruucda ilaalinta xuquuqda gaar ah ee Somalia, Somaliland, Puntland iyo deegaanada kale ee dalka. Shantou City Jinlong Industry Co. Ltd, waxaa ka go’an inay cid walba oo ku xad-gudubta ay la tiigsado sharciga iyo cadaalada, qaadana tilaabooyinka ku haboon sida is-hortaagid, magdhow maaliyadeed, garmaqal ciqaabeed si ay uga hortagto cid walba oo aan sifo sharci daro ah ugu xad-gudubta xuquuqdeeda gaarka ah ee mulkiyada iyo hal-abuurida calaamad-ganacsiyeedyada kor ku xusan.
DHAMAAN SHIRKADAHA IYO SHAKHSIYAADKA WAXAA LA OGAYSIINAYAA inay ixtiraamaan ogaysiiskaan ayna ka feejignaadaan isku dey kasta oo keeni kara isku dhaca iyaga iyo mulkiilaha (Shantou City Jinlong Industry Co. Ltd). Cid walba oo u baahan sifo sharci inay u isticmaasho ama loo ogolaado isticmaalkooda waa inay helaan ogolaanshiyaha xaqlaha/mulkiilaha iyagoo ka codsanaya.
Wixii faahfaahin dheeri ah oo ku aadan ogolaansho helida isticmaalka calaamad-ganacsiyeedkaan kor ku xusan waxay lasoo xiriiri karaan wakiilka mulkiilaha:
ABISOM IP & Law Firm Address: Mogadishu & Garowe - Somalia Email: info@abisomip.com Tel: (+252) 904684152 |
Si aad u heshid daabadaca rasmiga ah ee lagu daabacay wargeyska, Fadlan ku dhufo linkiga hoose: