Ogaysiiskaan waxaa loo sameeyey guud ahaan dadka soomaaliyeed gaar ahaan cid walba oo ku dhaqan Somaliland, waxay shirkada Worldremit Ltd,. Ciwaankeduna yahay: 167-169 Great Portland Street, 5th Floor, London, W1W 5PF, United Kingdom, cadeynaysaa inay tahay mulkiilaha iyo ikhtiraacaha calaamad-ganacsiyeedka hoos ku xusan;
WORLDREMIT
“Waa calaamad-ganacsiyeed ka kooban ereyga “WORLDREMIT” kaas oo ku qoran xarfo waaweyn oo laatiini ah. Calaamad-ganacsiyeedu guud ahaan waa madow iyo cadaan. Si guud micno gaar ah ma xambaarsana calaamadu.”
XUQUUQDA LAGU SHEEGTAY CALAAMAD-GANASIYEEDKA KORE WAXAY KU SAABSAN TAHAY FASALKA 36AAD EE KALA ABLA ABLEYNTA FASALADA EE WIPO
Fasalka 36aad: Adeegyada maaliyadeed; wareejinta iyo macaamilada maaliyadeed; adeegyada lacag-bixinta; adeegyada xawilaadda lacagaha; adeegyada wareejinta lacagaha iyo hantida maaliyadeed; wareejinta lacagaha elektaroonigga ah; arrimaha maaliyadeed, oo ay ku jiraan adeegyada la xiriira wareejinta lacagaha iyo bixinta hababka lacag-bixinta, sida lacag-bixinta hore loo sii diyaariyey iyo credit-ka lacageed ee loo fidiyo dadka kale; adeegyada sarrifka lacagaha qalaad; adeegyada lacag-bixinta fog; adeegyada xawilaadda lacagaha caalamiga ah; adeegyada maaliyadeed oo ay ka mid yihiin ganacsiga, sarrifka, lacag-bixinta, beddelka, xisaabaadka iyo wareejinta lacagaha qalaad; maaraynta iyo habaynta xogta macaamilada lacag-bixinta; adeegyada lacag-bixinta elektaroonigga ah; lacag-bixinta iyo ku shubista credit-ka taleefannada; bixinta credit-ka taleefannada; adeegyada xawilaadda lacagaha internetka; adeegyada sarrifka lacagaha qalaad; lacag-bixinta fog; maaraynta iyo habaynta xogta macaamilada lacag-bixinta; adeegyada lacag-bixinta elektaroonigga ah iyo ku shubista credit-ka taleefannada iyada oo loo marayo mareeg internet; adeegyada maaliyadeed oo ay ku jiraan xisaabaadka lacagaha caddaanka ah iyo adeegyada bangiyada ee internetka; adeegyada lacagaha si toos ah loogu shubo xisaabaadka bangiyada macaamiisha; iyo adeegyada bixinta macluumaad, la-talin iyo talo-bixin la xiriira dhammaan adeegyadaas.
Mulkiilaha calaamad-ganaciyaadyadu wuxuu wakhti badan, dadaal, tacab, iyo xoolo galiyey hal abuurista naqshadaha ay u sameysan tahay calaamadiisu, sidoo kale kor u qaadida iyo aqoonsi u helidooda. Calaamad-ganacsiyeedku waa mid guud ahaan caalamka laga aqoonsadey taas oo ku suntan niyad samida iyo sumcad balaaran ee shirkada (mulkiilaha) uu ku dhex lee caalamka.
Ogaysiiskaani waxaa loo sameynaya si loo ogaysiiyo guud ahaan bulshada, ganacsatada, kuwooda jumlada iyo kuwooda tafaariiqda, iyo cid walba oo ku lug leh arimaha ganacsiga noocuu donaba, in calaamad-ganacsiyeedka kor ku xusan ay gaar u tahay iskala lee dahay shirkada Worldremit Ltd, cid walba oo isku deyda amar la’aan ama fasax la’aan isticmaalkeeda, dib u qaabeynteeda, koobigareynteeda, ama si xun u matalideeda iyagoo iska dhigaya iney lee yihiin in dhamaan ay mamnuuc tahay.
OGAYSIISKAAN WAXAA LA SIIYEY dhamaan cid walba ay khuseyso, kuwaas oo ay ku jiraan, dulaalada, ganacsatada, iyo dhamaan shakhsiyaadka, in cidii si sharci daro ah ama xad-gudub ah u isticmaasha calaamad-ganacsiyeedkaas, ay ku xad-gudubtay xaquuqdii gaarka ahayd iyo halabuurkii shirkada Worldremit Ltd. Taas ay ay shirkadu la tiigsan doonto sharciga iyo cadaalada. Xad-gudubka noocaas ah waxaa ka dhalanaya masuuliyad maadi ah iyo mid ciqaab ah taas oo dhigayaan shuruucda dalka soomaliyeed guud ahaan.
Shakhsi, shirkad, ama cid walba oo iska yeelyeesha, koobi gareysa, six un u isticmaasha, ama si kale ugu xadgudubta calaamad-ganacsiyeedkaas, iyagoo wax ogolaansho ah ka haysan mulkiilaha xaqa ah waxay wajahayaan tilaabo sharciga waafaqsan sida ay qabaan shuruucda ilaalinta xuquuqda gaar ah ee Somalia, Somaliland, Puntland iyo deegaanada kale ee dalka Worldremit Ltd, waxaa ka go’an inay cid walba oo ku xad-gudubta ay la tiigsado sharciga iyo cadaalada, qaadana tilaabooyinka ku haboon sida is-hortaagid, magdhow maaliyadeed, garmaqal ciqaabeed si ay uga hortagto cid walba oo aan sifo sharci daro ah ugu xad-gudubta xuquuqdeeda gaarka ah ee mulkiyada iyo hal-abuurida calaamad-ganacsiyeedyada kor ku xusan.
DHAMAAN SHIRKADAHA IYO SHAKHSIYAADKA WAXAA LA OGAYSIINAYAA inay ixtiraamaan ogaysiiskaan ayna ka feejignaadaan isku dey kasta oo keeni kara isku dhaca iyaga iyo mulkiilaha. Cid walba oo u baahan sifo sharci inay u isticmaasho ama loo ogolaado isticmaalkooda waa inay helaan ogolaanshiyaha xaqlaha/mulkiilaha iyagoo ka codsanaya.
Wixii faahfaahin dheeri ah oo ku aadan ogolaansho helida isticmaalka calaamad-ganacsiyeedkaan kor ku xusan waxay lasoo xiriiri karaan:
Spoor & Fisher Jersey Address: PO Box 281, Jersey, JE4 9TW, Channel Islands Email: TMApps@spoor.co.uk | ABISOM IP & Law Firm Address: Adani Tower, Hodan ZN, Mogadishu, Somalia Email: info@abisomip.com |
Si aad u heshid daabadaca rasmiga ah ee lagu daabacay wargeyska, Fadlan ku dhufo linkiga hoose: