Ogaysiiskaan waxaa loo sameeyey guud ahaan dadka soomaaliyeed gaar ahaan cid walba oo ku dhaqan Somaliland, waxay shirkada Interbasic Holding S.r.l. Ciwaankeduna yahay: Strada Settecamini 116, 63811, Sant'Elpidio a Mare, Fermo, Italy, cadeynaysaa inay tahay mulkiilaha iyo ikhtiraacaha calaamad-ganacsiyeedka hoos ku xusan;
SCHIAPARELLI
“Waa calaamad-ganacsiyeed ka kooban ereyga “SCHIAPARELLI” kaas oo ku qoran xarfo waaweyn oo laatiini ah. Calaamad-ganacsiyeedu guud ahaan waa madow iyo cadaan. Si guud micno gaar ah ma xambaarsana calaamadu.”
XUQUUQDA LAGU SHEEGTAY CALAAMAD-GANASIYEEDKA KORE WAXAY KU SAABSAN TAHAY FASALKA 25AAD EE KALA ABLA ABLEYNTA FASALADA EE WIPO
Fasalka 25aad: Jaakadaha maqaar ka samaysan; jaakadaha gaagaaban ee maqaar ka samaysan; surwaallada maqaar ka samaysan; goonnada maqaar ka samaysan; funaanadaha maqaar ka samaysan; jaakadaha roobka ee maqaar ka samaysan; jaakadaha dhaadheer ee maqaar ka samaysan; jaakadaha kore ee maqaar ka samaysan; suumanka maqaar ka samaysan; suumanka garbaha ee dharka lagu xajiyo; suumanka suudadka; jaakadaha suufka lagu buuxiyey; jaakadaha adag ama culus; funaanadaha dhaxanta; surwaallada jiinisyada; goonnada; diracyada; jaakatiinka; jaakadaha kore; khamiisyada dhaadheer; jaakadaha roobka; jaakadaha dabaysha iyo qabowga; funaanadaha madaxa laga gashado oo koofiyada leh; shaatiyada; funaanadaha yaryar T-shirt-ka; shaatiyada dumarka; funaanadaha dhogorta leh; dharka hoose; dharka hurdada ee dumarka; khamiisyada qubayska; dharka dabaasha; dharka hurdada ee dumarka ee khafiifka ah; dharka dabaasha; khamiisyada la xirto marka la labbisanayo ama la nasanayo; goonnada hurdada; diracyada hal halka xabbo ah; diracyada laba labad xabbo ah; diracyada xafladaha fiidkii (baatiga); garbasaarrada; cumaamadaha; xarigga qoorta; tayada qoorta; suudadka ragga; shaatiyada rasmiga ah ee labiska; shaatiyada Aloha; funaanadaha dhididka celiya; shaatiyada hoos laga xirto; shaatiyada Polo-ha; dharka jirka muujiya oo hal-xabbo ah; jaakadaha Blazer-ka; surwaallada gaagaaban; shaatiyada ciyaaraha; kabaha; kabaha ciyaaraha; dacasaha; kabaha dusha laga gashado; kabaha ciribta gaaban; kabaha maqaar ka samaysan; kabaha caagga ka samaysan; kabaha roobka ee caagga ah; kabaha golf-ka; kabaha alwaaxda ka samaysan; kabaha kalluumaysiga; kabaha kubbadda koleyga; kabaha rasmiga ah ee labiska; kabaha ciribta leh; kabaha socodka buuraha; kabaha rugby-ga; kabaha feerka; kabaha baseball-ka; kabaha maqaar dhalaalaya leh; kabaha xeebta; dahaarka gudaha kabaha; salka kabaha; qaybaha sare ee kabaha; qaybaha ciribta ee kabaha iyo buudhadhka; qaybaha ka hortaga simbiriirixashada ee kabaha iyo buudhadhka; afafka kabaha; kabaha roobka; kabaha tartanka orodka; kabaha shaqada; kabaha cawska laga sameeyo; kabaha jimicsiga; buudadka; buudadka barafka lagu ciyaaro; buudadka gaagaaban; buudadka qabowga daran laga xirto; kabaha kubbadda cagta; buudadka xarigga leh; kabaha xeegada garoonka; kabaha kubbadda gacanta; kabaha ama sandallada laga sameeyo cawska Esparto; sandallada guud ahaan; sandallada lagu qubeysto; galoofyada; galoofyada qabowga looga hortago; galoofyada maqaar ka samaysan; galoofyada faraha wada daboola; koofiyadaha; koofiyadaha afka hore leh; gaashaannada qorraxda ee madaxa lagu xirto; iyo koofiyadaha maqaar ka samaysan.
Mulkiilaha calaamad-ganaciyaadyadu wuxuu wakhti badan, dadaal, tacab, iyo xoolo galiyey hal abuurista naqshadaha ay u sameysan tahay calaamadiisu, sidoo kale kor u qaadida iyo aqoonsi u helidooda. Calaamad-ganacsiyeedku waa mid guud ahaan caalamka laga aqoonsadey taas oo ku suntan niyad samida iyo sumcad balaaran ee shirkada (mulkiilaha) uu ku dhex lee caalamka.
Ogaysiiskaani waxaa loo sameynaya si loo ogaysiiyo guud ahaan bulshada, ganacsatada, kuwooda jumlada iyo kuwooda tafaariiqda, iyo cid walba oo ku lug leh arimaha ganacsiga noocuu donaba, in calaamad-ganacsiyeedka kor ku xusan ay gaar u tahay iskala lee dahay shirkada Interbasic Holding S.r.l., cid walba oo isku deyda amar la’aan ama fasax la’aan isticmaalkeeda, dib u qaabeynteeda, koobigareynteeda, ama si xun u matalideeda iyagoo iska dhigaya iney lee yihiin in dhamaan ay mamnuuc tahay.
OGAYSIISKAAN WAXAA LA SIIYEY dhamaan cid walba ay khuseyso, kuwaas oo ay ku jiraan, dulaalada, ganacsatada, iyo dhamaan shakhsiyaadka, in cidii si sharci daro ah ama xad-gudub ah u isticmaasha calaamad-ganacsiyeedkaas, ay ku xad-gudubtay xaquuqdii gaarka ahayd iyo halabuurkii shirkada Interbasic Holding S.r.l. Taas ay ay shirkadu la tiigsan doonto sharciga iyo cadaalada. Xad-gudubka noocaas ah waxaa ka dhalanaya masuuliyad maadi ah iyo mid ciqaab ah taas oo dhigayaan shuruucda dalka soomaliyeed guud ahaan.
Shakhsi, shirkad, ama cid walba oo iska yeelyeesha, koobi gareysa, six un u isticmaasha, ama si kale ugu xadgudubta calaamad-ganacsiyeedkaas, iyagoo wax ogolaansho ah ka haysan mulkiilaha xaqa ah waxay wajahayaan tilaabo sharciga waafaqsan sida ay qabaan shuruucda ilaalinta xuquuqda gaar ah ee Somalia, Somaliland, Puntland iyo deegaanada kale ee dalka. Shirkadda Interbasic Holding S.r.l., waxaa ka go’an inay cid walba oo ku xad-gudubta ay la tiigsado sharciga iyo cadaalada, qaadana tilaabooyinka ku haboon sida is-hortaagid, magdhow maaliyadeed, garmaqal ciqaabeed si ay uga hortagto cid walba oo aan sifo sharci daro ah ugu xad-gudubta xuquuqdeeda gaarka ah ee mulkiyada iyo hal-abuurida calaamad-ganacsiyeedyada kor ku xusan.
DHAMAAN SHIRKADAHA IYO SHAKHSIYAADKA WAXAA LA OGAYSIINAYAA inay ixtiraamaan ogaysiiskaan ayna ka feejignaadaan isku dey kasta oo keeni kara isku dhaca iyaga iyo mulkiilaha. Cid walba oo u baahan sifo sharci inay u isticmaasho ama loo ogolaado isticmaalkooda waa inay helaan ogolaanshiyaha xaqlaha/mulkiilaha iyagoo ka codsanaya.
Wixii faahfaahin dheeri ah oo ku aadan ogolaansho helida isticmaalka calaamad-ganacsiyeedkaan kor ku xusan waxay lasoo xiriiri karaan:
Spoor & Fisher Jersey Address: PO Box 281, Jersey, JE4 9TW, Channel Islands Email: TMApps@spoor.co.uk | ABISOM IP & Law Firm Address: Adani Tower, Hodan ZN, Mogadishu, Somalia Email: info@abisomip.com |
Si aad u heshid daabadaca rasmiga ah ee lagu daabacay wargeyska, Fadlan ku dhufo linkiga hoose: