SOMALI: SOMALILAND OGAYSIIS MUHIIM AH: ALJAMEEL INTERNATIONAL CO., LTD

Ogaysiiskaan waxaa loo sameeyey guud ahaan dadka soomaaliyeed gaar ahaan cid walba oo ku dhaqan Somaliland, waxay shirkada AlJameel International Co., Ltd, taas oo ku dhisan sharciyada Boqortooyada Sacuudi Careebiya, ciwaankeduna yahay: Jeddah, Makkah area, Saudi Arabia, cadeynaysaa inay tahay mulkiilaha iyo ikhtiraacaha calaamad-ganacsiyeedyada hoos ku 

image-24.png

image-25.png

Calaamadu waxay ka kooban tahay xarfaha kala ah “KINZA” oo u qoran hab laatiini ah iy “ كينزا ”, oo ah erey carabi ah labaduba si taagan u sawiran. Waxaa dhexdooda ku jira sawir goobaabin sfalaaro bixinaysa sidii qoraxdii oo kale.

Calaamadu waxay ka kooban tahay laba falaar oo kor u jeeda oo kalar jaale ah ka danbeeyo, kuwaas oo dhexda kaga qoran yihiin labada xaraf ee kala ah “LIFT UP” oo u qoran laatiini iyo “ ليفت أب ” oo u qoran carabi ahaan kuwaas oo labaduba ay u sawiranyihiin hab taagni ah.

XUQUUQDA LAGU SHEEGTAY CALAAMAD-GANASIYEEDKA KORE WAXAY KU SAABSAN TAHAY FASALKA 32aad EE KALA ABLA ABLEYNTA FASALADA EE WIPO 

Fasalka 34aad:          Cabitaannada fudud ee kaarboonaysan; Cabitaannada kooka Koolada; Cabitaannada fudud ee dhadhan fiican leh; Cabitaannada tamarta leh; Cabitaannada miraha ka samaysan; Casiirrada miraha ka sameysan; Cabitaannada aan aalkolada lahayn; Biyaha soodhada ama sharaabka aysidka leh; Sharaabada dawada ah; Diyaarinta iyo sameynta cabitaannada aan aalkolada lahayn.

Mulkiilaha calaamad-ganaciyaadyadu wuxuu wakhti badan, dadaal, tacab, iyo xoolo galiyey hal abuurista naqshadaha ay u sameysan tahay calaamadiisu, sidoo kale kor u qaadida iyo aqoonsi u helidooda. Calaamad-ganacsiyeedku waa mid guud ahaan caalamka laga aqoonsadey taas oo ku suntan niyad samida iyo sumcad balaaran ee shirkada (mulkiilaha) uu ku dhex lee caalamka.

Ogaysiiskaani waxaa loo sameynaya si loo ogaysiiyo guud ahaan bulshada, ganacsatada, kuwooda jumlada iyo kuwooda tafaariiqda, iyo cid walba oo ku lug leh arimaha ganacsiga noocuu donaba, in calaamad-ganacsiyeedka kor ku xusan ay gaar u tahay iskala lee dahay shirkada AlJameel International Co., Ltd, cid walba oo isku deyda amar la’aan ama fasax la’aan isticmaalkeeda, dib u qaabeynteeda, koobigareynteeda, ama si xun u matalideeda iyagoo iska dhigaya iney lee yihiin in dhamaan ay mamnuuc tahay.

OGAYSIISKAAN WAXAA LA SIIYEY dhamaan cid walba ay khuseyso, kuwaas oo ay ku jiraan, dulaalada, ganacsatada, iyo dhamaan shakhsiyaadka, in cidii si sharci daro ah ama xad-gudub ah u isticmaasha calaamad-ganacsiyeedkaas, ay ku xad-gudubtay xaquuqdii gaarka ahayd iyo halabuurkii shirkada AlJameel International Co., Ltd. Taas ay ay shirkadu la tiigsan doonto sharciga iyo cadaalada. Xad-gudubka noocaas ah waxaa ka dhalanaya masuuliyad maadi ah iyo mid ciqaab ah taas oo dhigayaan shuruucda dalka soomaliyeed guud ahaan. 

Shakhsi, shirkad, ama cid walba oo iska yeelyeesha, koobi gareysa, six un u isticmaasha, ama si kale ugu xadgudubta calaamad-ganacsiyeedkaas, iyagoo wax ogolaansho ah ka haysan mulkiilaha xaqa ah waxay wajahayaan tilaabo sharciga waafaqsan sida ay qabaan shuruucda ilaalinta xuquuqda gaar ah ee Somalia, Somaliland, Puntland iyo deegaanada kale ee dalka. AlJameel International Co., Ltd, waxaa ka go’an inay cid walba oo ku xad-gudubta ay la tiigsado sharciga iyo cadaalada, qaadana tilaabooyinka ku haboon sida is-hortaagid, magdhow maaliyadeed, garmaqal ciqaabeed si ay uga hortagto cid walba oo aan sifo sharci daro ah ugu xad-gudubta xuquuqdeeda gaarka ah ee mulkiyada iyo hal-abuurida calaamad-ganacsiyeedyada kor ku xusan.

DHAMAAN SHIRKADAHA IYO SHAKHSIYAADKA WAXAA LA OGAYSIINAYAA inay ixtiraamaan ogaysiiskaan ayna ka feejignaadaan isku dey kasta oo keeni kara isku dhaca iyaga iyo mulkiilaha (AlJameel International Co., Ltd). Cid walba oo u baahan sifo sharci inay u isticmaasho ama loo ogolaado isticmaalkooda waa inay helaan ogolaanshiyaha xaqlaha/mulkiilaha iyagoo ka codsanaya.

Wixii faahfaahin dheeri ah oo ku aadan ogolaansho helida isticmaalka calaamad-ganacsiyeedkaan kor ku xusan waxay lasoo xiriiri karaan:

Spoor & Fisher Jersey

Address: PO Box 281, Jersey, JE4 9TW, Channel Islands

Email:  TMApps@spoor.co.uk 

Tel: (+44) 1534 838000

ABISOM IP and Law Firm

Address: Adani Tower, Maka Al-Mukaram Street, Hodan ZN, Mogadishu, Somalia

Email:  info@abisomip.com  

Tel: (+252) 90 4684152

Si aad u heshid daabadaca rasmiga ah ee lagu daabacay wargeyska, Fadlan ku dhufo linkiga hoose: 

https://barqopost.com/article/art_fe23c234-5f4 

Share: