SOMALI: SOMALILAND OGAYSIIS MUHIIM AH: TEACH FOR ALL, INC

Ogaysiiskaan waxaa loo sameeyey guud ahaan dadka soomaaliyeed gaar ahaan cid walba oo ku dhaqan Somaliland, waxay shirkada Teach for All, Inc. Taas oo ku dhisan sharciyada Maraykanka, ciwaankeduna yahay: 25 Broadway, New York, New York, Maraykanka, cadeynaysaa inay tahay mulkiilaha iyo ikhtiraacaha calaamad-ganacsiyeedka hoos ku xusan:-

TEACH FOR SOMALILAND

“Astaanta ganacsigu waxay ka kooban tahay erayada “TEACH FOR SOMALILAND” oo ku qoran far madow oo waaweyn (xuruuf waaweyn) kuna muuqda qaab fudud oo cad. Astaantu waxa ay si gaar ah u muujinaysaa magaca “TEACH FOR SOMALILAND”, iyadoo lagu aqoonsanayo adeegyada la xiriira waxbarashada, tababarrada, horumarinta aqoonta iyo kobcinta bulshada”

XUQUUQDA LAGU SHEEGTAY CALAAMAD-GANASIYEEDKA KORE WAXAY KU SAABSAN TAHAY FASALKA 41aad EE KALA ABLA ABLEYNTA FASALADA EE WIPO

Fasalka 41aad:          Adeegyada waxbarashada iyo tababarrada; abaabulka iyo qabanqaabinta kulamada, shirarka iyo aqoon-is-weydaarsiyada; adeegyada daabacaadaha iyo faafinta qoraallada; daabacaadda iyo baahinta agabka waxbarashada iyo tababarrada iyada oo loo marayo internetka.

Mulkiilaha calaamad-ganaciyaadyadu wuxuu wakhti badan, dadaal, tacab, iyo xoolo galiyey hal abuurista naqshadaha ay u sameysan tahay calaamadiisu, sidoo kale kor u qaadida iyo aqoonsi u helidooda. Calaamad-ganacsiyeedku waa mid guud ahaan caalamka laga aqoonsadey taas oo ku suntan niyad samida iyo sumcad balaaran ee shirkada (mulkiilaha) uu ku dhex lee caalamka.

Ogaysiiskaani waxaa loo sameynaya si loo ogaysiiyo guud ahaan bulshada, ganacsatada, kuwooda jumlada iyo kuwooda tafaariiqda, iyo cid walba oo ku lug leh arimaha ganacsiga noocuu donaba, in calaamad-ganacsiyeedka kor ku xusan ay gaar u tahay iskala lee dahay shirkada Teach for All, Inc, cid walba oo isku deyda amar la’aan ama fasax la’aan isticmaalkeeda, dib u qaabeynteeda, koobigareynteeda, ama si xun u matalideeda iyagoo iska dhigaya iney lee yihiin in dhamaan ay mamnuuc tahay.

OGAYSIISKAAN WAXAA LA SIIYEY dhamaan cid walba ay khuseyso, kuwaas oo ay ku jiraan, dulaalada, ganacsatada, iyo dhamaan shakhsiyaadka, in cidii si sharci daro ah ama xad-gudub ah u isticmaasha calaamad-ganacsiyeedkaas, ay ku xad-gudubtay xaquuqdii gaarka ahayd iyo halabuurkii shirkada Teach for All, Inc. Taas ay ay shirkadu la tiigsan doonto sharciga iyo cadaalada. Xad-gudubka noocaas ah waxaa ka dhalanaya masuuliyad maadi ah iyo mid ciqaab ah taas oo dhigayaan shuruucda dalka soomaliyeed guud ahaan.

Shakhsi, shirkad, ama cid walba oo iska yeelyeesha, koobi gareysa, six un u isticmaasha, ama si kale ugu xadgudubta calaamad-ganacsiyeedkaas, iyagoo wax ogolaansho ah ka haysan mulkiilaha xaqa ah waxay wajahayaan tilaabo sharciga waafaqsan sida ay qabaan shuruucda ilaalinta xuquuqda gaar ah ee Somalia, Somaliland, Puntland iyo deegaanada kale ee dalka. Teach for All, Inc, waxaa ka go’an inay cid walba oo ku xad-gudubta ay la tiigsado sharciga iyo cadaalada, qaadana tilaabooyinka ku haboon sida is-hortaagid, magdhow maaliyadeed, garmaqal ciqaabeed si ay uga hortagto cid walba oo aan sifo sharci daro ah ugu xad-gudubta xuquuqdeeda gaarka ah ee mulkiyada iyo hal-abuurida calaamad-ganacsiyeedyada kor ku xusan.

DHAMAAN SHIRKADAHA IYO SHAKHSIYAADKA WAXAA LA OGAYSIINAYAA inay ixtiraamaan ogaysiiskaan ayna ka feejignaadaan isku dey kasta oo keeni kara isku dhaca iyaga iyo mulkiilaha (Teach for All, Inc). Cid walba oo u baahan sifo sharci inay u isticmaasho ama loo ogolaado isticmaalkooda waa inay helaan ogolaanshiyaha xaqlaha/mulkiilaha iyagoo ka codsanaya.

Wixii faahfaahin dheeri ah oo ku aadan ogolaansho helida isticmaalka calaamad-ganacsiyeedkaan kor ku xusan waxay lasoo xiriiri karaan:

Spoor & Fisher Jersey

Address: PO Box 281, Jersey, JE4 9TW, Channel Islands

Email:  TMApps@spoor.co.uk

Tel: (+44) 1534 838000

ABISOM IP & Law Firm  

Address: Mogadishu & Garowe - Somalia  

Email:  info@abisomip.com  

Tel: (+252) 906794501  

 

Si aad u heshid daabadaca rasmiga ah ee lagu daabacay wargeyska, Fadlan ku dhufo linkiga hoose: 

https://barqopost.com/article/art_451baa6a-f0b

يشارك: