SOMALI: SOMALILAND OGAYSIIS MUHIIM AH: ROTHMANS OF PALL MALL LIMITED

Ogaysiiskaan waxaa loo sameeyey guud ahaan dadka soomaaliyeed gaar ahaan cid walba oo ku dhaqan Somaliland, waxay shirkada Rothmans of Pall Mall Limited, taas oo ku dhisan sharciyada Switzerland, ciwaankeduna yahay: Route de la Nods 3, Boncourt 2926, Switzerland, cadeynaysaa inay tahay mulkiilaha iyo ikhtiraacaha calaamad-ganacsiyeedka hoos ku xusan

image-13.png

“Calaamad-ganacsiyeedku waxay ka kooban tahay ereyga "ROYALS" oo lagu qaab xarfo waaweyn ah, kuwaas oo qaabaysan hoosna yaal sawir qurxin ah oo leh gaashaan taaj leh oo sita xarafka "R", oo ay garbaha haystaan laba libaax. Sawirku waxuu ka kooban yahay midabo kala qaybsan oo kala ah buluug iyo casaan, taasoo abuuraysa muuqaal sawir boqortooyo oo heer sare ah oo la xariira dhaxalka, sharafta, iyo kala soocidda”

XUQUUQDA LAGU SHEEGTAY CALAAMAD-GANASIYEEDKA KORE WAXAY KU SAABSAN TAHAY FASALKA 34aad EE KALA ABLA ABLEYNTA FASALADA EE WIPO 

Fasalka 34aad:           Sigaarka; tubaakada cayriin ama la farsameeyay; qolofka tubaakadaada; tuubooyinka tubaakada; alaabada kala duwan ee tubaakada; beddelka tubaakada (aan ahayn kuwa laga lee yahay ujeeddooyinka caafimaad); sigaarka; noocyada kale ee sigaarka; shidayaasha sigaarka ee dadka sigaarka cabba sida qarxada; qarxada sigaarka lagu shido ee dadka sigaarka cabba isticmalaan; taraqa; walxaha dadka sigaarka cabba is ticmaalaan; warqaddaha sigaarka; tuubooyinka lagu dhuuqo sigaarka; shaandheeyayaasha lagu cabo sigaarka; qalab-jeebeedka lagu cabo sigaarka; mashiinnada gacanta lagu qaato ee lagu guro tubaakada tuubooyinka warqadda ah; sigaarka elektaroonigga ah; dareereyaasha sigaarka elektaroonigga ah; qalabka tubaakada ee loogu talagalay in la alabka; aaladqaha elektaroonigga ah iyo qaybahooda ee ujeedadoodu tahay kululaynta tubaakada.

Mulkiilaha calaamad-ganaciyaadyadu wuxuu wakhti badan, dadaal, tacab, iyo xoolo galiyey hal abuurista naqshadaha ay u sameysan tahay calaamadiisu, sidoo kale kor u qaadida iyo aqoonsi u helidooda. Calaamad-ganacsiyeedku waa mid guud ahaan caalamka laga aqoonsadey taas oo ku suntan niyad samida iyo sumcad balaaran ee shirkada (mulkiilaha) uu ku dhex lee caalamka.

Ogaysiiskaani waxaa loo sameynaya si loo ogaysiiyo guud ahaan bulshada, ganacsatada, kuwooda jumlada iyo kuwooda tafaariiqda, iyo cid walba oo ku lug leh arimaha ganacsiga noocuu donaba, in calaamad-ganacsiyeedka kor ku xusan ay gaar u tahay iskala lee dahay shirkada Rothmans of Pall Mall Limited, cid walba oo isku deyda amar la’aan ama fasax la’aan isticmaalkeeda, dib u qaabeynteeda, koobigareynteeda, ama si xun u matalideeda iyagoo iska dhigaya iney lee yihiin in dhamaan ay mamnuuc tahay.

OGAYSIISKAAN WAXAA LA SIIYEY dhamaan cid walba ay khuseyso, kuwaas oo ay ku jiraan, dulaalada, ganacsatada, iyo dhamaan shakhsiyaadka, in cidii si sharci daro ah ama xad-gudub ah u isticmaasha calaamad-ganacsiyeedkaas, ay ku xad-gudubtay xaquuqdii gaarka ahayd iyo halabuurkii shirkada Rothmans of Pall Mall Limited. Taas ay ay shirkadu la tiigsan doonto sharciga iyo cadaalada. Xad-gudubka noocaas ah waxaa ka dhalanaya masuuliyad maadi ah iyo mid ciqaab ah taas oo dhigayaan shuruucda dalka soomaliyeed guud ahaan. 

Shakhsi, shirkad, ama cid walba oo iska yeelyeesha, koobi gareysa, six un u isticmaasha, ama si kale ugu xadgudubta calaamad-ganacsiyeedkaas, iyagoo wax ogolaansho ah ka haysan mulkiilaha xaqa ah waxay wajahayaan tilaabo sharciga waafaqsan sida ay qabaan shuruucda ilaalinta xuquuqda gaar ah ee Somalia, Somaliland, Puntland iyo deegaanada kale ee dalka. Rothmans of Pall Mall Limited, waxaa ka go’an inay cid walba oo ku xad-gudubta ay la tiigsado sharciga iyo cadaalada, qaadana tilaabooyinka ku haboon sida is-hortaagid, magdhow maaliyadeed, garmaqal ciqaabeed si ay uga hortagto cid walba oo aan sifo sharci daro ah ugu xad-gudubta xuquuqdeeda gaarka ah ee mulkiyada iyo hal-abuurida calaamad-ganacsiyeedyada kor ku xusan.

DHAMAAN SHIRKADAHA IYO SHAKHSIYAADKA WAXAA LA OGAYSIINAYAA inay ixtiraamaan ogaysiiskaan ayna ka feejignaadaan isku dey kasta oo keeni kara isku dhaca iyaga iyo mulkiilaha (Rothmans of Pall Mall Limited). Cid walba oo u baahan sifo sharci inay u isticmaasho ama loo ogolaado isticmaalkooda waa inay helaan ogolaanshiyaha xaqlaha/mulkiilaha iyagoo ka codsanaya.

Wixii faahfaahin dheeri ah oo ku aadan ogolaansho helida isticmaalka calaamad-ganacsiyeedkaan kor ku xusan waxay lasoo xiriiri karaan:

Spoor & Fisher Jersey

Address: PO Box 281, Jersey, JE4 9TW, Channel Islands

Email:  TMApps@spoor.co.uk 

Tel: (+44) 1534 838000

ABISOM IP & Law Firm  

Address: Mogadishu & Garowe - Somalia  

Email:  info@abisomip.com 

Tel: (+252) 906794501  

 

Si aad u heshid daabadaca rasmiga ah ee lagu daabacay wargeyska, Fadlan ku dhufo linkiga hoose: 

https://horseedmedia.net/ogaysiis-shirkadda-rothmans-of-pall-mall-limited/420152/

يشارك: