Ogaysiiskaan waxaa loo sameeyey guud ahaan dadka soomaaliyeed gaar ahaan cid walba oo ku dhaqan Somaliland, waxay shirkada Gubersail Tire (Jiangsu) Co., Ltd.. Ciwaankeduna yahay: No.1 Gubersail Avenue, Huai'an District, Huai'an City, Jiangsu Province China, cadeynaysaa inay tahay mulkiilaha iyo ikhtiraacaha calaamad-ganacsiyeedka hoos ku xusan;


““Calaamad ganacsiyeedku waxay ka kooban tahay ereyga qaab farshaxanaysan loo qoray ee ‘PRAXENT’, kaas oo lagu soo bandhigay xarfo waaweyn iyadoo la isticmaalay far casri ah oo culus kana tirsan nooca sans-serif. Xarafka ugu horreeya ee ‘P’ waxa uu leeyahay naqshad gaar ah, halkaas oo tiirka toosan iyo qaybta sare ee jiifka ahi ay abuuraan muuqaal qaabka kore u eg xarafka ‘F’. Xarafyada kale ee ‘RAXENT’ waxaa lagu qoray qaab isku mid ah oo nadiif ah oo si fudud loo akhrisan karo. Astaantu waxay ku muuqataa midab madow oo ku yaalla asalka caddaanka ah, mana jiro sheegasho gaar ah oo ku saabsan midab"
XUQUUQDA LAGU SHEEGTAY CALAAMAD-GANASIYEEDKA KORE WAXAY KU SAABSAN TAHAY FASALADA KALA AH 12aad EE KALA ABLA ABLEYNTA FASALADA EE WIPO
Fasalka 12aad: Qalabka hawada ee taayirrada; daboollada taayirrada ee hawada celiya; lakabyada lagu cusboonaysiiyo taayirrada; taayirro; taayirrada adag ee giraangiraha gaadiidka; taayirrada baabuurta yaryar; daboollada taayirrada; taayirrada gaadiidka nooc walba; qalabka lagu dayactiro tuubyada gudaha ee taayirrada; taayirrada gaadiidka dhulka; tuubooyinka gudaha ee taayirrada gaadiidka; tuubooyinka gudaha ee giraangiraha gaadiidka; gaadiidka barafka ku socda; taayirrada gawaarida waaweyn; qalabka ka hortaga simbiriirixashada taayirrada gaadiidka; daawaha birta ah ee baabuurta; waalallada taayirrada gaadiidka; marshada wareegsan ee gaadiidka; lakabka lagu dahaaro ee lagu cusboonaysiiyo taayirrada; iyo lakabyada shukaanta ama marshada gaadiidka kaymaha.
Mulkiilaha calaamad-ganaciyaadyadu wuxuu wakhti badan, dadaal, tacab, iyo xoolo galiyey hal abuurista naqshadaha ay u sameysan tahay calaamadiisu, sidoo kale kor u qaadida iyo aqoonsi u helidooda. Calaamad-ganacsiyeedku waa mid guud ahaan caalamka laga aqoonsadey taas oo ku suntan niyad samida iyo sumcad balaaran ee shirkada (mulkiilaha) uu ku dhex lee caalamka.
Ogaysiiskaani waxaa loo sameynaya si loo ogaysiiyo guud ahaan bulshada, ganacsatada, kuwooda jumlada iyo kuwooda tafaariiqda, iyo cid walba oo ku lug leh arimaha ganacsiga noocuu donaba, in calaamad-ganacsiyeedka kor ku xusan ay gaar u tahay iskala lee dahay shirkada Gubersail Tire (Jiangsu) Co., Ltd. cid walba oo isku deyda amar la’aan ama fasax la’aan isticmaalkeeda, dib u qaabeynteeda, koobigareynteeda, ama si xun u matalideeda iyagoo iska dhigaya iney lee yihiin in dhamaan ay mamnuuc tahay.
OGAYSIISKAAN WAXAA LA SIIYEY dhamaan cid walba ay khuseyso, kuwaas oo ay ku jiraan, dulaalada, ganacsatada, iyo dhamaan shakhsiyaadka, in cidii si sharci daro ah ama xad-gudub ah u isticmaasha calaamad-ganacsiyeedkaas, ay ku xad-gudubtay xaquuqdii gaarka ahayd iyo halabuurkii shirkada Gubersail Tire (Jiangsu) Co., Ltd. Taas ay ay shirkadu la tiigsan doonto sharciga iyo cadaalada. Xad-gudubka noocaas ah waxaa ka dhalanaya masuuliyad maadi ah iyo mid ciqaab ah taas oo dhigayaan shuruucda dalka soomaliyeed guud ahaan.
Shakhsi, shirkad, ama cid walba oo iska yeelyeesha, koobi gareysa, six un u isticmaasha, ama si kale ugu xadgudubta calaamad-ganacsiyeedkaas, iyagoo wax ogolaansho ah ka haysan mulkiilaha xaqa ah waxay wajahayaan tilaabo sharciga waafaqsan sida ay qabaan shuruucda ilaalinta xuquuqda gaar ah ee Somalia, Somaliland, Puntland iyo deegaanada kale ee dalka. Gubersail Tire (Jiangsu) Co., Ltd., waxaa ka go’an inay cid walba oo ku xad-gudubta ay la tiigsado sharciga iyo cadaalada, qaadana tilaabooyinka ku haboon sida is-hortaagid, magdhow maaliyadeed, garmaqal ciqaabeed si ay uga hortagto cid walba oo aan sifo sharci daro ah ugu xad-gudubta xuquuqdeeda gaarka ah ee mulkiyada iyo hal-abuurida calaamad-ganacsiyeedyada kor ku xusan.
DHAMAAN SHIRKADAHA IYO SHAKHSIYAADKA WAXAA LA OGAYSIINAYAA inay ixtiraamaan ogaysiiskaan ayna ka feejignaadaan isku dey kasta oo keeni kara isku dhaca iyaga iyo mulkiilaha (Gubersail Tire (Jiangsu) Co., Ltd). Cid walba oo u baahan sifo sharci inay u isticmaasho ama loo ogolaado isticmaalkooda waa inay helaan ogolaanshiyaha xaqlaha/mulkiilaha iyagoo ka codsanaya.
Wixii faahfaahin dheeri ah oo ku aadan ogolaansho helida isticmaalka calaamad-ganacsiyeedkaan kor ku xusan waxay lasoo xiriiri karaan wakiilka mulkiilaha:
ABISOM IP & Law Firm Address: Mogadishu & Garowe - Somalia Email: info@abisomip.com Tel: (+252) 904684152 |
Si aad u heshid daabadaca rasmiga ah ee lagu daabacay wargeyska, Fadlan ku dhufo linkiga hoose: