SOMALI: SOMALILAND OGAYSIIS GANACSI OO MUHIIM AH: F.LLI FACCHINETTI S.P.A.

Ogaysiiskaan waxaa loo sameeyey guud ahaan dadka soomaaliyeed gaar ahaan cid walba oo ku dhaqan Somaliland, waxay shirkada F.LLI FACCHINETTI S.P.A. Ciwaankeduna yahay: Via Montenero 10, 25066 Lumezzane Pieve (Brescia), Italy, cadeynaysaa inay tahay mulkiilaha iyo ikhtiraacaha calaamad-ganacsiyeedka hoos ku xusan;

image-27.png

“Astaanta ganacsigu waxay ka kooban tahay magaca “Facchinetti” oo ku qoran far qaab gaar ah leh, waxaana dhinaciisa ku yaalla calaamad u eg gaashaan oo ay dhexdiisa ku qoran yihiin xarfaha “FF”. Magaca hoostiisa waxaa ku qoran weedha “ITALIAN SECURITY SINCE 1949”, waxaana sidoo kale ku jira calaamad yar oo ka kooban midabada calanka Talyaaniga ee (cagaar, caddaan iyo casaan)”

XUQUUQDA LAGU SHEEGTAY CALAAMAD-GANASIYEEDKA KORE WAXAY KU SAABSAN TAHAY FASALADA KALA AH 6aad EE KALA ABLA ABLEYNTA FASALADA EE WIPO 

Fasalka 6aad:             Biraha caadiga ah iyo biraha la isku daray; qalabka dhismaha ee birta ka samaysan; dhismayaasha birta ka samaysan ee meel kale loo rari karo; qalabka birta ka samaysan ee loo isticmaalo jidadka tareennada; fiilooyinka iyo xargaha birta ka samaysan ee aan koronto gudbin; qalabka yaryar ee birta ka samaysan ee loo isticmaalo dhismayaasha, albaabada iyo daaqadaha; dhuumaha iyo tuubooyinka birta ka samaysan; khasnadaha iyo sanduuqyada adag ee amniga loogu talagalay kaydinta lacagta iyo waxyaabaha qiimaha leh; alaabaha laga sameeyo biraha caadiga ah; giraannada birta ka samaysan; biraha adag ee gaashaanka iyo ilaalinta loo isticmaalo; boolallada iyo qalabka qufulka; silsiladaha birta ka samaysan iyo silsiladaha amniga; furayaasha qufulada; boolallada albaabada iyo daaqadaha; qalabka birta ka samaysan ee sanduuqyada lagu xiro; qalabka albaabada iyo daaqadaha lagu furo ama lagu xiro ee aan korontada ku shaqayn; qufulada la qaadi karo; qufulada iskood u xirma; iyo noocyada kale ee qufulada birta ka samaysan ee aan korontada ku shaqayn.

Mulkiilaha calaamad-ganaciyaadyadu wuxuu wakhti badan, dadaal, tacab, iyo xoolo galiyey hal abuurista naqshadaha ay u sameysan tahay calaamadiisu, sidoo kale kor u qaadida iyo aqoonsi u helidooda. Calaamad-ganacsiyeedku waa mid guud ahaan caalamka laga aqoonsadey taas oo ku suntan niyad samida iyo sumcad balaaran ee shirkada (mulkiilaha) uu ku dhex lee caalamka.

Ogaysiiskaani waxaa loo sameynaya si loo ogaysiiyo guud ahaan bulshada, ganacsatada, kuwooda jumlada iyo kuwooda tafaariiqda, iyo cid walba oo ku lug leh arimaha ganacsiga noocuu donaba, in calaamad-ganacsiyeedka kor ku xusan ay gaar u tahay iskala lee dahay shirkada F.LLI FACCHINETTI S.P.A. cid walba oo isku deyda amar la’aan ama fasax la’aan isticmaalkeeda, dib u qaabeynteeda, koobigareynteeda, ama si xun u matalideeda iyagoo iska dhigaya iney lee yihiin in dhamaan ay mamnuuc tahay.

OGAYSIISKAAN WAXAA LA SIIYEY dhamaan cid walba ay khuseyso, kuwaas oo ay ku jiraan, dulaalada, ganacsatada, iyo dhamaan shakhsiyaadka, in cidii si sharci daro ah ama xad-gudub ah u isticmaasha calaamad-ganacsiyeedkaas, ay ku xad-gudubtay xaquuqdii gaarka ahayd iyo halabuurkii shirkada F.LLI FACCHINETTI S.P.A. Taas ay ay shirkadu la tiigsan doonto sharciga iyo cadaalada. Xad-gudubka noocaas ah waxaa ka dhalanaya masuuliyad maadi ah iyo mid ciqaab ah taas oo dhigayaan shuruucda dalka soomaliyeed guud ahaan. 

Shakhsi, shirkad, ama cid walba oo iska yeelyeesha, koobi gareysa, six un u isticmaasha, ama si kale ugu xadgudubta calaamad-ganacsiyeedkaas, iyagoo wax ogolaansho ah ka haysan mulkiilaha xaqa ah waxay wajahayaan tilaabo sharciga waafaqsan sida ay qabaan shuruucda ilaalinta xuquuqda gaar ah ee Somalia, Somaliland, Puntland iyo deegaanada kale ee dalka. F.LLI FACCHINETTI S.P.A. waxaa ka go’an inay cid walba oo ku xad-gudubta ay la tiigsado sharciga iyo cadaalada, qaadana tilaabooyinka ku haboon sida is-hortaagid, magdhow maaliyadeed, garmaqal ciqaabeed si ay uga hortagto cid walba oo aan sifo sharci daro ah ugu xad-gudubta xuquuqdeeda gaarka ah ee mulkiyada iyo hal-abuurida calaamad-ganacsiyeedyada kor ku xusan.

DHAMAAN SHIRKADAHA IYO SHAKHSIYAADKA WAXAA LA OGAYSIINAYAA inay ixtiraamaan ogaysiiskaan ayna ka feejignaadaan isku dey kasta oo keeni kara isku dhaca iyaga iyo mulkiilaha. Cid walba oo u baahan sifo sharci inay u isticmaasho ama loo ogolaado isticmaalkooda waa inay helaan ogolaanshiyaha xaqlaha/mulkiilaha iyagoo ka codsanaya.

Wixii faahfaahin dheeri ah oo ku aadan ogolaansho helida isticmaalka calaamad-ganacsiyeedkaan kor ku xusan waxay lasoo xiriiri karaan:

Spoor & Fisher Jersey

Address: PO Box 281, Jersey, JE4 9TW, Channel Islands

Email:  TMApps@spoor.co.uk 

Tel: (+44) 1534 838000

ABISOM IP & Law Firm  

Address: Adani Tower, Hodan ZN, Mogadishu, Somalia  

Email:  info@abisomip.com 

Tel: (+252) 904685142

Si aad u heshid daabadaca rasmiga ah ee lagu daabacay wargeyska, Fadlan ku dhufo linkiga hoose: 

https://barqopost.com/article/art_373d167d-77b

يشارك: