Ogaysiiskaan waxaa loo sameeyey guud ahaan dadka soomaaliyeed gaar ahaan cid walba oo ku dhaqan Somaliland, waxay Mitsubishi Shoji Kabushiki Kaisha (sidoo kale loo garan ogyahay Mitsubishi Corporation), taas oo ku dhisan sharciyada dalka Japan , Ciwaankeedu yahay 3-1, Marunouchi 2-chome, Chiyoda-ku, Tokyo, Japan , cadeynaysaa inay tahay mulkiilaha iyo ikhtiraacaha calaamad ganacsiyeedka hoos ku xusan;
“Calaamad-ganacsiyeedu waxay ka kooban tahay sawir iyo qoraal, taas oo u muuqata isku imaansho sadex xagal oo shape-ka dhaymanka leh oo isku tagay, kuwaas oo hoostooda ay ku qoran tahay ereyga “ MITSUBISHI” kuna qoran far waaweyn oo madow ah. Sadexda dhayman ee sawirku ka kooban yahay waxay ka dhigayaan sumad gaar ah oo la aqoonsan karo, sidoo kale xarafka hoosena wuxuu si gaar ah u tilmaamaya cida ama mulkilaha calaamadaan iska leh”
XUQUUQDA LAGU SHEEGTAY CALAAMAD-GANASIYEEDKA KORE WAXAY KU SAABSAN TAHAY FASALADA KALA AH 7aad iyo 12aad EE KALA ABLA ABLEYNTA FASALADA EE WIPO
Fasalka 7aad: Qalabka Rakibaadda korontada, warshadaha iyo qalabyada khuseeya, kuleyliyeyaasha matoorada uumiga bixiya iyo tuubooyinka kuleyliyaha; marawaxadaha iyo matooradooda; nidaamyada wareegga ee isku dhafan iyo isku-dhafka; qalabka nadiifinta warshadda korontada; iyo qaybaha iyo qalabka loogu talagalay matoorada nooc kasta; farsamooyinka kicinta iyo gudbinta qaybaha iyo qalabka matoorad; Bamka, kombaresarada, bambooyinka faakuumka, mashiinnada wax afuufa, cutubyada isku-darka, qalabka haydarooliga, iyo qalabka kala-soocidda gaaska; centrifuges; shaandheeyayaasha; beddelayaasha kulaylka; mashiinnada kuleyliyaha warshadaha; falgalayaasha kiimikada isku-darka; autoclaves; ururiya dhoobada; nadiifiyeyaasha saliidda; iyo qaybahooda kala duwan iyo qalabka loogu talagalay; Warshadaha iyo qalabka rakibaadda warshadaha, cutubyada qodista badda; iyo qaybaha qaab-dhismeedka iyo kuwa shaqeynaya; Qalabka ama mishiinnada birta ah; qalabka gacanta ee korontada ku shaqeeya; mashiinnada sii daaya ama gudbiya korontada; qalabka alwaaxa koox kooxda ah ee ionized; mashiinnada wax isku xira ee silindariga ah; iyo qaybahooda iyo qalabka loogu talagalay.; Robotyada warshadaha; qalabka ama mashiinada otomaatiga ah ee warshadaha; mashiinnada farsamaynta laysarka ku shaqeeya ama ahba; mashiinnada alxanka; mashiinnada kululaynta ee wax kiciya; iyo qaybahooda iyo qalabka loogu talagalay; Qaadista, rarista mashiinnada, ama agabka wax lagu raro iyo qaybahooda iyo qalabka loogu talagalay; Dhismaha, macdanta, mashiinnada beeraha iyo kaymaha, iyo qaybahooda iyo qalabka loogu talagalay; Mashiinada dharka, warqadda, daabacaadda iyo baakadaha; qalabka lagu dhejiyo taayirada; iyo mashiinnada warshadaha tolista; iyo qaybahooda iyo qalabka loogu talagalay; Mashiinnada nadiifinta biyaha; Mashiinnada korontada ee guryaha, iyo qaybahooda iyo qalabka loogu talagalay; Daabacayaasha Saddex-cabbirka ama (3D); mashiinnada sameynta biraha aasaasiga ah iyo kuwa waaweyn; mashiinnada macdanta; qalabka korontada; iyo qaybahooda iyo qalabka loogu talagalay.
Fasalka 12aad: Gaadiidka dhulka, hawada iyo badda, matoorada gaadiidka dhulka; qaybahooda iyo qalabka loogu talagalay gaadiidka. chassis-ka, jirka iyo qaybaha dhismaha ee gaadiidka; mashiinnada nadiifinta ee korontada ku shaqeeya ee gaadiidka; iyo qaybahooda iyo qalabka loogu talagalay.
Mulkiilaha calaamad-ganaciyaadyadu wuxuu wakhti badan, dadaal, tacab, iyo xoolo galiyey hal abuurista naqshadaha ay u sameysan tahay calaamadiisu, sidoo kale kor u qaadida iyo aqoonsi u helidooda. Calaamad-ganacsiyeedku waa mid guud ahaan caalamka laga aqoonsadey taas oo ku suntan niyad samida iyo sumcad balaaran ee shirkada (mulkiilaha) uu ku dhex lee caalamka.
Ogaysiiskaani waxaa loo sameynaya si loo ogaysiiyo guud ahaan bulshada, ganacsatada, kuwooda jumlada iyo kuwooda tafaariiqda, iyo cid walba oo ku lug leh arimaha ganacsiga noocuu donaba, in calaamad-ganacsiyeedka kor ku xusan ay gaar u tahay iskala lee dahay shirkada Mitsubishi Shoji Kabushiki Kaisha , cid walba oo isku deyda amar la’aan ama fasax la’aan isticmaalkeeda, dib u qaabeynteeda, koobigareynteeda, ama si xun u matalideeda iyagoo iska dhigaya iney lee yihiin in dhamaan ay mamnuuc tahay.
OGAYSIISKAAN WAXAA LA SIIYEY dhamaan cid walba ay khuseyso, kuwaas oo ay ku jiraan, dulaalada, ganacsatada, iyo dhamaan shakhsiyaadka, in cidii si sharci daro ah ama xad-gudub ah u isticmaasha calaamad-ganacsiyeedkaas, ay ku xad-gudubtay xaquuqdii gaarka ahayd iyo halabuurkii shirkada Mitsubishi Shoji Kabushiki Kaisha . Taas ay ay shirkadu la tiigsan doonto sharciga iyo cadaalada. Xad-gudubka noocaas ah waxaa ka dhalanaya masuuliyad maadi ah iyo mid ciqaab ah taas oo dhigayaan shuruucda dalka soomaliyeed guud ahaan.
Shakhsi, shirkad, ama cid walba oo iska yeelyeesha, koobi gareysa, six un u isticmaasha, ama si kale ugu xadgudubta calaamad-ganacsiyeedkaas, iyagoo wax ogolaansho ah ka haysan mulkiilaha xaqa ah waxay wajahayaan tilaabo sharciga waafaqsan sida ay qabaan shuruucda ilaalinta xuquuqda gaar ah ee Somalia, Somaliland, Puntland iyo deegaanada kale ee dalka. Mitsubishi Shoji Kabushiki Kaisha , waxaa ka go’an inay cid walba oo ku xad-gudubta ay la tiigsado sharciga iyo cadaalada, qaadana tilaabooyinka ku haboon sida is-hortaagid, magdhow maaliyadeed, garmaqal ciqaabeed si ay uga hortagto cid walba oo aan sifo sharci daro ah ugu xad-gudubta xuquuqdeeda gaarka ah ee mulkiyada iyo hal-abuurida calaamad-ganacsiyeedyada kor ku xusan.
DHAMAAN SHIRKADAHA IYO SHAKHSIYAADKA WAXAA LA OGAYSIINAYAA inay ixtiraamaan ogaysiiskaan ayna ka feejignaadaan isku dey kasta oo keeni kara isku dhaca iyaga iyo mulkiilaha ( Mitsubishi Shoji Kabushiki Kaisha ). Cid walba oo u baahan sifo sharci inay u isticmaasho ama loo ogolaado isticmaalkooda waa inay helaan ogolaanshiyaha xaqlaha/mulkiilaha iyagoo ka codsanaya.
Wixii faahfaahin dheeri ah oo ku aadan ogolaansho helida isticmaalka calaamad-ganacsiyeedkaan kor ku xusan waxay lasoo xiriiri karaan:
Spoor & Fisher Jersey Address: PO Box 281, Jersey, JE4 9TW, Channel Islands Email: TMApps@spoor.co.uk Tel: (+44) 1534 838000 | ABISOM IP & Law Firm Address: Mogadishu & Garowe - Somalia Email: info@abisomip.com Tel: (+252) 906794501 |
Si aad u heshid daabadaca rasmiga ah ee lagu daabacay wargeyska, Fadlan ku dhufo linkiga hoose:
https://horseedmedia.net/ogaysiis-muhiim-ah-shirkadda-mitsubishi-corporation/419890/